Kheyre oo maanta aadaya Washington+magacyada dadka raacaya

1966

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka baxaya wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,waxaana ay ku wajahanyihiin dalka Mareykanka.

Wafddigan ayaa waxaa ay kulamo Magaalada Wanshington kula yeelanayaan Madaxda Hay’adaha lacagta iyo Bangiga Adduunka halkaas oo la filayo in dib u eegis lagu sameeyo isbeddelka dhaqaalaha Soomaaliya.

Wafddiga Ra’isalwasaaraha oo ay ku jiraan mas’uuliyiin u badan Wasiirro, Lataliyayaal iyo Xubno kale ayaa lagu wadaa in ay halkaas heshiis lagu cafinayo deynta lagu leeyahay Soomaaliya kula yeeshaan Madaxda IMF iyo Bangiga Adduunka.

Xubnha la socda Ra’isalwasaaraha ee tagaya Mareykanka ayaa waxaa ay kala yihiin;

1- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

2- Wasiirka Maaliyada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle.

3- Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Xasan Maxame.

4- Taliyaha Nabad Sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

5- Hanti-Dhowraha Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali.

6- Lataliyaha dhinaca amniga ee Madaxweynaha Cabdi Siciid Cali.

7- Sarkaal NISA ka tirsan C/llaahi Liibaan Daahir.

8 – Sarkaal Sare oo NISA ah C/llaahi Aadan Kulane.

9- La Taliyaha Gaarka ah ee RW Khayre Samira Gaid.

10- Xoghayaha maamulka Gobolka Banaadir Cumar C/risaaq.

11- Madaxa Warfaafinta ee Xafiiska RW Khayre Cali Nuur Salaad.

12- Lataliye Sare ee RW Khayre, Cabdi Maxamed C/llaahi.