Kheyre oo markii Saddexaad uu tegi doona Cadaado

1801

Saddexdii Cisho ee la soo dhaafay ayaa Ra’iisul Wasaaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxaa uu ku sugnaa Magalada Gaalkacyo ee gobolka mudug, isaga oo waday kulamo kala dwuan oo uu la yeelanayay waxgaradaka iyo Odayaasha Magaaladaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa in Maanta uu kulan la qaato Odayaasha Dhaqanka Gaalkacyo,isla markaana uu soo geba-gabeeyo safarkii uu ku joogay Magalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiin safarka ku wehliya Ra’iisul Wasaaraha iyo ilaaladiisa ayaa saakay gaaray Magalada Dhuusamareeb, iyaga oo sii diyaarinaya soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaraha oo safar dhinaca dhulka ah uu uga soo baxo Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu tego Dhuusamareeb waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Galmudug ee ku sugan halkaas, isaga oo kala hadli doona xaalada Galmudug iyo sida ay ku dhici laheyd doorasho lo dhan yahay.

Sidoo kale Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaaraha uu markii Saddexaad uu tegi doono Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud si uu u xaliyo tabashada ay qaban waxgaradka iyo Odayaasha Magaaladaas.