Kheyre oo u ambabaxay dalka Switzerland

1583

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maant u ambabaxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, halkaasoo uga qeyb galayo shir hal maalin dhacaya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa magaalada Geneva uga qeyb galaya shirar looga hadlayo Xuquuqul Insaanka iyo shaqo la’aanta Dhalinyarada, isagoo khudbad ka jeedin doono.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo aaday, labo maalin kaddib qaraxyo iyo weeraro dad badan ku dhinteen oo Al-Shabaab ka fulisay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa imaanaya, iyadoo laga sugayay Xukuumaddiisa inay dib u habeyn ku sameyso qaabka sugida Amniga Muqdisho, oo habacsanaan iyo waxqabad la’aan lagu dhaliilay Hey’adaha Amniga dowladda.

Labadii todobaad ee u dambeeyay safarada Mas’uuliyiinta dowladda ayaa kordhay, waxaana todobaad gudahood dalka ka wada dhoofay Madaxweynaha, Wasiirka Amniga, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada oo qaarkood aan weli dalka ku soo laaban.