Khilaafka Madaxweyne Xasan iyo Taliyaha Sirdoonka Mahad Maxamed Salaad oo cirka isku shareeray

19

Waxaa aad u soo xoogeysanaya wararka sheegaya inuu meel xun gaaray khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo Agaasimaha Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad.

Waxaa jirtay in la faafiyay in shaqa ka joojin lagu sameeyay Mahad Salaad balse waa warar aan jirin mar hadii aan cadeyn loo heyn wararkaasi.

Labada masuul ayaa ku kala aragti duwan arinta Maamulka Galmudug oo Madaxweyne Xasan doonayo inuu xukunka ka tuuro Madaxweynaha maamulkaasi Qoor-Qoor.

Mahad Salaad isagana raba in xilkaasi uu qabto halka Madaxweyne Xasan uu doonayo inuu u sharaxo Ganacaadaha caanka ah Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq) sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Mahad uu soo jeediyay in hadii isaga uusan qabanayn loo daayo Qoor-Qoor.

Wararka caawa soo baxay ayaa tilmaamaya in kaaliyaha Mahad Salaad si kumeel gaar ah l xilka loogu dhiibay taasoo aan xaqiiqo loo heyn.

Warar kale ayaa sheegaya in maalmaha soo socda macquul tahay in Madaxweyne Xassan uu gabi ahaanba xilka ka qaado Agaasimaha Sirdoonka Mahad Salaad si uu booskaasi u keensado agaasine ku shaqeeya aragtida iyo siyaasada Madazweyne Xassan.