Kiiska Ikraan inta la malaynayo waa ka weyn yahay

1244

Waxaa fashil kusoo dhamaaday kulamo saacado badan qaatay oo u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble, kulamadan ayaana ahaa kuwa xal loogu raadinayay khilaafka ka dhashay kiiska dilka Ikraan Tahliil.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo katirsan golaha Shacabka ee waqtigiisu dhamaaday ayaa sheegay in shirkii u socday Farmaajo iyo Rooble fashilmay kadib markii Madaxweynaha ku dhegay in kiiska dilka Ikraan laga soo celiyo maxkamada.

Waxa uu sidoo kale sheegay Xildhibaanka in Madaxweyne Farmaajo diidan yahay taliyihii NISA uu soo magacaabay Ra’isul Wasaare Rooble uuna doonayo mid kale in isagu soo magacaabo si loo tir tiro raadka kiiska Ikraan Tahliil.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sidoo kale shaaciyay in kiiska Ikraan Tahliil intii loo maleenayay uu hada ka weenaaday, waxa uuna xusay in ay soo baxeen xogo cusub oo hadii ay run noqdaan ceeb iyo foolxumo weyn ku ah dowladnimada Soomaaliya.

”Kiiska Ikraan inta la malaynayo waa ka weyn yahay waxaana soo baxaya xogo hor leh oo hadii ay run noqdaan ceeb iyo foolxumo aan la arag oo la maqal ku ah Dowladnimada Soomaaliya, Dhaqankeena suuban iyo Diinteena Islaamka!” ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaana si rasmi ah u cadeen xogahan cusub ee halista ah ee soo shaac baxay, waxaana dadka siyaasada falanqeeya rumeesan yihiin in Kiiska Ikraan Tahliil lugaha la gali doono kiisas hore oo dil ah oo horey loo fuliyay.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxda ugu sareeya dalka ayaa ka dhashay kiiska dilka Ikraan Tahliil oo lagu tuhmayo in saraakiil katirsan Hay’adda NISA ku lug leeyihiin, waxa uuna kiiskan sababay in xilka laga qaado Fahad dalkana uu galo khalalaase siyaasadeed.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN