Kililka 5aad oo yeeshay Madaxweyne ku-xigeen cusub

1556

Gudiga Xiriirinta Xisbiga Barwaaqo ee Deegaanka Soomaalida oo uu hogaaminayay Madaxwaynaha dowlad degaana Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar ayaa go’aamiyay in Ibraahim Cismaan uu noqdo Madaxwayne ku-xigeenka DDS.

Masuulkan cusub ayaa bedelaya Aadan Faarax Ibraahim oo ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee degaanka Soomaalida oo loo doortay dhowaan gudoomiyaha aqalka sare ee dalka Itoobiya.

Sidoo kalena afhayeenka cusub ee baarlamaanka dowlad degaana Soomaalida ayaa loo magacaabay Malaw Ibraahim Cabdi (Mandela)

Golaha Baarlamaanka dowlad degaana Soomaalida ayaa la horgeyn doonaa xubnaha la magacaabay kuwaasoo loo dhaarin doono xilalka marka goluhu ay siiyaan codka kalsoonida.