Klopp & Alisson Oo Ku Kala Guulaystay Laba Abaalmarin, Maxay Yihiin?

1568

Xidhiidhka kubada cagta ee uruurinta xogaha kubada cagta ayaa laba abaalmarin kala saariyay tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp & Goolhayaha Liverpool ee Alisson.

Tababaraha iyo Goolhayaha Liverpool ayaa loo doortay Tababaraha iyo Goolhayaha ugu fiican sanadka 2019 kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo ay soo bandhigeen sanadka.

Alisson oo Liverpool kula guulaystay champions League sidoo kale xulka qaranka Brazil kula guulaystay Copa America ayaa abaalmarinta ku garaacay Goolhayaha kooxda Barcelona ee Marc-André ter Stegen kadib markii uu helay 286 dhibcood halka uu Goolhaya Barcelona helay 104 dhibic.

Dhanka kale Tababare Jurgen Klopp ayaa abaalmarinta ku garaacay tababaraha kooxda Man City ee Pep Guardiola kadib markii uu helay 369 dhibcood halka uu Guardiola helay 100 dhibcood.