Kolonel Mas-dille,Xaadoole,Abuukar Boonow iyo Joorre oo is bahaysi samaystay

2114

Waxaa xalay Magaalada Muqdisho laga sameeyay howlgal lagu baadi goobayo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda oo amar lagu bixiyay in lasoo xiro, si hub ka dhigis loogu saameeyo, hayeeshee lagu guuldarreystay in gacanta lagu soo dhigo Saraakiisha.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Haramcad ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay guriga korneyl lagu magacaabo Maxamuud Mas-dille, iyadoo ay si xun ula dhaqmeen qoyska korneylka, wallow isaga uu xiligaas maqnaa.

Mas-dille oo la hadlay mid akamd ah Telefashinada ka howlgala Muqdisho ayaa u sheegay in si sharci darro ah xalay loo galay gurigiisa oo ku yaalla degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, uuna ka xun yahay falkii lagu gurigiisa, wuxuuna tilmaamay in la xiray qaar kamid ah ilaaladii guriga joogay iyo dad kale.

Saraakiisha ka tirsan Ciidanka Milateriga ee amarka lagu bixiyay in lasoo qabto ayaa kala Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole), Maxamuud Axmed Masdile, Abuukar Boonow iyo Maxamed Cusmaan Joorre, kuwaasi oo qaarkood maalo kahor uu dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ku dhexmaray Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha ayaa waxaa la sheegay in loo haysto eedeymo kala duwan, waaxana la shegay in waxyaabaha lagu eedeyay ay ka mid tahay amar diiddo iyo Ciidamo si gaar ah uga amar qaata.

Cismaan Xaadoole ayaa lagu xusuustaa iska hor imaad uu 2014 la galay ciidamada Booliska dowladda oo keenay in la bixiyo amar lagu soo xirayo, isagoo hore u soo noqday Guddoomiyaha Degmada Balcad iyo wasiir ka tirsan mamulka Hirshabeelle.

Maxamuud Mas-dille ayaa isaguna ku eedeyan inuu ciidamo ay isku heyb yihiin la goostay horrantii sanadkan 2020, wuxuuna fadhigiisu yahay degaanka Raage-Ceele ee Gobolka Sh/dhexe oo uu kasoo jeedo.

Abuukar Boonow ayaa isna ka mida saraakiisha milateriga Soomaaliya ee Guutada 12-ka April, kana howlgala Sh/Dhexe, isagoo qeyb ka ah saraakiisha maleeshiyooyinka ku dhex heysta ciidamada dowladda. Sarkaalka Joorre oo milateri ah, balse u shaqeeya sida Minishiibiyo ayaa isna maleeshiyo ku heysta xaafado ka mida C/casiis iyo Kaaraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa xilli danbe kusoo baraarugtay halista saraakiishan, wuxuuna howlgalka ka dhanka ah kusoo beegmay xilligii ugu xumaa oo fasiraad kala duwan laga bxiin karo.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Saraakiisha lagu raad joogo ay wadaan Ciidan uruursi, iyagoo sida la sheegay doonaya in ay iska difaacaan Ciidanka dowladda ee ku raad jooga ee doonaya in ay soo xiraan Saraakiishaan, si hub ka dhigis loogu sameeyo.