Kolonel Yuusuf Cabdi Cali “Tuke” oo la soo taagayo Maxkamad+VIDEO

2199

Maxkamadda heerka Degmo ee Gobalka Virginia ee dalka Maraykanka waxaa bishan May 13-da la soo taagi doonaan Kolonel Yuusuf Cabdi Cali “Tuke”, kaasi oo loo haysto inuu Tacadiyo ka dhan ah Aadanaha geystay xilligii uu Taliyaha ka ahaa Ciiddankii ka hawlgeli jirey Gobalka W/Galbeed ee Somalia.

Dhibane lagu magacaabo Farxaan Warfaa, ayaa la sheegay inuu dacwad ku soo oogayo Kolonel Yuusuf Tuke, oo uu ku eedeeyey inuu dambeeyey Jir-dil, Xabsi iyo dhawaac loo geystay muddadii uu Taliyaha ka ahaa Dowladii Kacaanka.

Garsoore Leonie Brinkema ayaa loo doortay inay dhegeysato Dacwadaasi oo la filayo in muddo 4 maalmood la soo bandhigo caddaymaha Dhibanayaasha iyo Is-difaaca Eedeysanaha.

Go’aanka Maxkamadda ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo kadib bishan May 17-da.

Dhibane Farxaan Warfaa ayaa ku dacwoonaya in ciiddanka uu Taliyaha ka ahaa colonel Yuusuf Tuke isaga qafaasheen bishii March ee sannadkii 1988-kii, kadib, markii isaga lagu eedeeyey inuu Ciiddanku ka xaday Booyad nooca Biyaha.

Dhibanaha waxa uu ku dooday in la jir-dilay, isla markaana 5 xabbadood lagu dhuftay, loogana tegay sidii qof geeriyooday oo kale.

Dacwadda maalinta Isniinta ka bilaaban doonta Maxkmaad ku taalla Gobalka Virginia ayaa noqon doonta tii 3-aad ee la soo taago Mas’uuliyiin ka tirsanaa Ciiddankii Dowladdii Kacaanka, waxaana horey Maxkamad ku taalla Maraykanka la soo taagay Marxum Jeneral Maxamed Cali Samantar, oo xilalka Madaxweyne-ku-xigeen, Ra’isul-wasaare iyo Wasiirkii Difaaca ka soo noqday Dowladdii Kacaanka.

Sidoo kale waxaa isagana la soo taagay Kolonel Cabdi Aadan Magan oo Madax ka ahaa Waaxdii Baaritaanka ee Hay’addii Nabad-sugidda Soomaalida ee NSS-ta sannadihii 1988-dii ilaa 1990-kii.