
Xubnaha Dimuqraaddiga ah ee Guddiga Kormeerka Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa sii daayay xirmo cusub oo sawirro ah oo la xiriira Jeffrey Epstein, maalqabeenkii lagu xukumay dambiyada tacaddiga galmada carruurta.
Xirmadan cusub waxay ka kooban tahay 19 sawir, kuwaas oo qayb ka ah keyd ballaadhan oo gaaraya ku dhowaad 95,000 oo sawir. Guddigu wuxuu sheegay in sawirradaasi ay heleen inta lagu guda jiray baaritaanno socda oo lagu ogaanayo shabakadda xiriirrada Epstein iyo dadka awoodda leh ee uu la macaamilay.
Sawirrada la sii daayay waxaa ka dhex muuqda shakhsiyaad caan ah oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Amiirkii hore ee Britain Andrew Mountbatten-Windsor, lataliyihii hore ee Trump Steve Bannon, iyo Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton.
Guddigu wuxuu carrabka ku adkeeyay in muuqaalka shakhsiyaadkan ee sawirradu uusan macnaheedu ahayn inay ku lug lahaayeen wax sharci jebin ah, isagoo xusay in sawirrada badankood horey loo daabacay isla markaana ay ahaayeen kuwo dadweynaha heli karaan.
Sii deynta sawirradan ayaa timid toddobaad ka hor waqtiga kama dambaysta ah ee Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka looga baahan yahay inay shaaciso dhammaan dukumentiyada la xiriira Epstein, sida uu dhigayo “Xeerka Daahfurnaanta Faylasha Epstein” oo uu Madaxweyne Trump saxiixay bishii hore. Sharcigaasi wuxuu DOJ ku waajibinayaa inay dhammaan agabka baaritaanka sii deyso ugu dambayn 19-ka Diseembar.
Bayaan rasmi ah oo uu soo saaray Robert Garcia, Dimuqraaddiga ugu sarreeya Guddiga Kormeerka, ayaa lagu yiri:
“Waa waqtigii la soo afjari lahaa qarinta iyo in cadaalad loo helo dhibbanayaashii uu ka faa’iideystay Jeffrey Epstein iyo saaxiibbadiisa awoodda leh.”
Garcia wuxuu intaas ku daray in sawirradu ay “kicinayaan su’aalo dheeraad ah oo ku saabsan Epstein iyo xiriirradii uu la lahaa qaar ka mid ah ragga ugu awoodda badan dunida,” isaga oo ku baaqay in Wasaaradda Caddaaladdu si degdeg ah u sii deyso dhammaan faylasha la xiriira kiiska.
Dhanka kale, Jamhuuriyiinta oo haysta aqlabiyadda guddiga ayaa ku eedeeyay Dimuqraaddiyiinta inay si ula kac ah u doorteen sawirro gaar ah ayna iska reebeen kuwo kale, si ay u abuuraan waxa ay ku tilmaameen “sheeko marin-habaabineed” oo ka dhan ah Madaxweyne Trump.
Maamulka Aqalka Cad ayaa isna sii deynta sawirrada ku tilmaamay “khiyaano Dimuqraaddi ah” oo lagu beegsanayo Trump, iyagoo sheegay in madaxweynuhu marar badan beeniyay wax kasta oo khalad ah oo la xiriira Epstein.
Madaxweyne Trump ayaa ka muuqday saddex ka mid ah sawirrada cusub. Mid ka mid ah wuxuu muujinayaa isaga oo la taagan haweeney wejigeeda la qariyay, halka mid kale uu muujinayo Trump iyo Epstein oo la hadlaya moodel Ingrid Sinhive xaflad ay Victoria’s Secret ku qabatay New York sanadkii 1997, sawirkaas oo horeyba u ahaa mid si ballaaran loo daabacay.
Sawir kale oo la sii daayay ayaa muujinaya wax u eg sawir-gacmeed madaxweynaha ah oo ku yaalla baakad cas oo ay ku dheggan tahay calaamad ay ku qoran tahay “Gal-caadhka Trump.”
Sidoo kale, sawir la jaray oo Amiir Andrew Mountbatten-Windsor ah oo ag taagan Bill Gates ayaa ka mid ahaa kuwa la daabacay. Nooca buuxa ee sawirkaas, oo laga heli karo Getty Images, wuxuu muujinayaa Boqor Charles – xilligaasna ahaa Amiirka Wales – oo ku sugan dhinaca midig, waxaana sawirka la qaaday intii lagu jiray shir la xiriiray Shirka Madaxda Dowladaha Commonwealth-ka oo ka dhacay London bishii Abriil 2018.
Lataliyihii hore ee Trump, Steve Bannon, isna wuxuu ka muuqday dhowr sawir, oo ay ku jiraan mid isaga iyo Epstein ay miis wada fadhiyaan iyo mid kale oo hortiisa muraayad laga qaaday. Sawir kale ayaa muujinaya Bannon oo la hadlaya filim-sameeyaha Woody Allen.
Sawirrada la sii daayay waxaa kale oo ka mid ahaa mid muujinaya Madaxweynihii hore Bill Clinton oo ag taagan Epstein iyo Ghislaine Maxwell, oo lagu xukumay sanadkii 2021 doorkii ay ku lahayd fududeynta dambiyadii Epstein. Clinton ayaa mar kale beeniyay wax kasta oo khalad ah oo la xiriira Epstein, isagoo horey u sheegay inuusan waxba ka ogayn dambiyada uu galay.
Shakhsiyaad kale oo caan ah oo sawirrada ka muuqda waxaa ka mid ah dhaqaaleyahan Larry Summers, qareenka Alan Dershowitz, iyo ganacsadaha Richard Branson, inkasta oo dhammaantood aysan wada muuqan Epstein.
Jeffrey Epstein ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira ka ganacsiga galmada bishii Luulyo 2019, wuxuuna ku dhintay xabsi bil kadib isaga oo sugaya maxkamad. Madaxweyne Trump ayaa qirtay inuu Epstein saaxiib la ahaa, balse wuxuu sheegay in xiriirkooda uu dhammaaday horraantii 2000-meeyadii, sanado ka hor intii aan Epstein markii ugu horreysay la xirin, wuxuuna si buuxda u beeniyay wax kasta oo khalad ah.





















