Koobka Adduunka oo 2030 marti gelin donaa 6 dal

218

Koobka Adduunka ee 2030 ayaa lagu qaban doonaa lix wadan oo ka kala tirsan saddex qaaradood, sida ay xaqiijisay Fifa.

Spain, Portugal iyo Morocco ayaa loo magacaabay inay wada martigelinayaan, iyadoo saddexdii kulan ee furitaanka ay ka dhaceen Uruguay, Argentina iyo Paraguay.

Kulamada furitaanka ee South America ayaa lagu xusayaa qarniga koobka aduunka maadaama 100 sano laga joogo markii uu dhacay kulankii daah furka ahaa ee koobka adduunka ee Montevideo.

Koobkii Adduunka ee la daah furay sanadkii 1930kii ayaa lagu qabtay dalka Uruguay, waxaana ku guuleystay martigeliyayaasha koobka adduunka kadib markii ay finalka ku garaaceen Argentina ciyaar ka dhacday Montevideo.

Spain ayaa la guddoonsiiyay marti geliyeyaasha Koobka Adduunka toddobaadyo ka dib markii madaxii hore ciyaaraha dalkaas Luis Rubiales oo lagu qasbay inuu xilka ka tago ka dib markii lagu eedeeyay inuu shumis aan la rabin oo uu bushimaha kaga dhuftay ciyaaryahan Jenni Hermoso koobkii adduunka ee haweenka.

Go’aanka Arbacada ee FIFA ayaa noqonaysa markii ugu horeysay ee Koobka Adduunka lagu qabto saddex qaaradood iyo lix waddan, taasoo la micno ah in kulammada group-yada la qabto xilliyo kala duwan iyadoo lagu saleynayo cirifka dhexe.

Intaa waxaa dheer, iyadoo la tixgelinayo xaaladda taariikhiga ah ee koobkii adduunka ee ugu horreeyay abid, Golaha FIFA waxay si wadajir ah isugu raaceen in xaflad gaar ah oo sannad-guurada ah lagu qabto Montevideo , Argentina iyo Paraguay siday u kala horreeyaan.”

Koobka Adduunka 2022 ayaa lagu qabtay dalka Qatar. xulka Argentina ayaana ku guuleystatay

Infantino ayaa sheegay in saddexdan kulan ee ugu horreeya lagu ciyaari doono garoonka Montevideo’s Estadio Centenario, halkaasoo koobkii adduunka ugu horreeyay uu ka dhacay 1930kii.

Robert Harrison, oo ah madaxa xiriirka kubada cagta Paraguay ayaa sheegay in Argentina,Uruguay iyo Paraguay ay si toos ah ugu soo bixi doonaan koobka aduunka balse ma uusan cadeyn waxa ay taasi uga dhigantahay isreebreebka South America.