Koofur Galbeed oo kahadashay dadkii lagu laayay Gaalkacyo

1724

Maamulka Koofur Galbeed ayaa ka hadlay dad lagu laayay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kuwaasi oo deegaan ahaan kasoo jeeda Koofur Galbeed.

Dadka la laayay ayaa gaaraya sagaal ruux oo isku reer kasoo jeeda, waxaana dhamaantood loo dilay aano la xiriira dil loo geystay sarkaal ciidan oo ka tirsanaa maamulka Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Koofur Galbeed Ugaas Xasan ayaa isaga oo warbaahinta la hadlayay wuxuu sheegay inay ka xun yihiin dil wadareedka loo geystay dadka kasoo jeeda Koofur Galbeed ee lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka ayaa warbaahinta u sheegay inay baaritaanno wadaan, islamarkaana saacaddaha soo socda ay warbaahinta la wadaagi doonaan, waxyaabaha kasoo baxa baaritaanka ay wadaan.

Ugaas Xasan ayaa xusay inay jiraan dad badan oo Koonfur Galbeed u dhashay kuwaasoo cabsi awgeed xalay ku hoyan waayay guryahooda ku yaal Gaalkacyo.

Dhawaan ayay ahayd markii uu maamulka Galmudug beeniyay inuu soo saaray amar la sheegay in deegaannadiisa uu uga mamnuucayo dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Arintaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo dhawaan duleedka magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Mudug lagu dilay dad kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed, islamarkaana la hadal hayay is diiwaan gelinta dadka kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed.