Koonfur Kuuriya Oo Safiir Usoo Magacowday Soomaaliya & Sida Loogu Soo Dhaweeyey Muqdisho

1616

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyre Cabdi, ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo uga guddoomay maanta xafiiskiisa Wasaaradda Mudane Choi Yeonghan, Safiirka Jamhuuriyadda Koonfurta Kuuriya ee fadhin doono Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii qaabilaadda lagu guda-jiray, Wasiiru dowle Cabdulqaadir iyo Danjire Choi waxa ay ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo qaabkii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa iskaashi dhinacyo badan leh.