Koox hubeysan oo la tuhmayo in ay katirsan yihiin ururka Boka Haram , ayaa xalay weerar xooggan ku qaaday xarunta madaxtooyada dalka Chad, waxaana halkaas ka dhacay dagaal muddo kooban socday.
Saraakiisha ammaanka dalkaasi ayaa sheegay in rag hubeysan oo watay mootooyin weerar kusoo qaadeen Madaxtooyada Chad, waxa ayna xuseen laamaha amniga in laga hortagay weerarkii kooxdaasi soo qaadeen.
Gaadiidka gaashaaman iyo ciidan badan oo xoojin ah , ayaa la soo dhoobay waddooyinka iyo hareeraha xarunta madaxtooyadda,waxaana la xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa xarunta madaxtooyada dalka Chad.
Saraakiisha ammaanka ee Chad , ayaan wali faah faahin badan ka bixin weerarkan iyo khasaaraha ka dhashay, waxa ayna xuseen in la dilay raggii weerarka kusoo qaaday xarunta madaxtooyada , ayna hadda wadaan baaritaanno ku aadan sida weerarka u dhacay.
Warbaahinta dalka Chad , ayaa baahisay in agagaarka Madaxtooyada lagu arkay meydadka ragii hubeysnaa ee weerarka ku qaaday Madaxtooyada, kuwaa oo la toogtay xilli ay isku dayayeen in ay galaan xarunta.