Kooxaha Ilaa Haatan soogaaray Wareega 8 Dhamaadka Champions League

1453

Kooxaha Juventus, Porto, Dortmund iyo Sevilla ayaa furay kulamada lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions League xilli ciyaareedkan.

Laba kooxood ayaa noqday labadii kooxood ee ugu horeeyay iska xaadiriyay wareega 8 dhamadka champions League ka hor kulamada ugu dambeeya ee wareega 16-ka.

Kooxda Juventus ayaa gaadhay guul 3/2 ah laakiin ku fashilantay in ay iska xaadiriso wareega 8 dhamaadka maadama ay ku hadhay goolasha martida.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa dhankeeda bar-baro 2/2 ah la gashay kooxda Sevilla laakiin iska xaadirisay wareega 8 dhamaadka kadib guushii 3/2 ahayd ee ay lugtii kaga soo gaadhay garoonka Sevilla.

Waxa caawa la ciyaari doonaa qayb ka mid ah kulamada wareega 16-ka lugta 2-aad iyada oo kooxaha PSG Marti galin doonto kooxda Barcelona halka ay Liverpool la ciyaari doonto RB Leipzig.

Halkan Hoose Kaga Bogo Kooxaha iska xaadiriyay wareega 8 dhamaadka champions League:

Porto (Portugal)

Borussia Dortmund (Germany)