Kooxaha Sida Rasmiga Ah Isaga Xaadiriyay Wareega 16-ka Champions League

1183

Waxa sii kordhacay kooxaha iska xaadirinaya wareega 16-ka ee champions league iyada oo tartanku marayo meel xiiso iyo xamaasad leh waliba lagu jiro dhamaadka tartanka.

Waxa hadhay kaliya hal kulan iyada oo ay haatan kooxo badan xaqiiqsadeen boosaskooda champions league ee wareega 16-ka tartanka ugu xiisaha badan kubada cagta.

Waxa haatan boosaskooda xaqiiqsaday 11 kooxood kuwaas oo haatan huba in ay ka qayb ahaan doonaan kooxaha ciyaari doona wareega 16-ka champions league xilli ciyaareedkan.

Waxa kaliya dhiman 5 kooxood kuwaas oo aan wali xaqiiqasan booskooda wareega 16-ka tartanka champions League xilli ciyaareedkan iyaga oo kooxahaas kala bixi doonaan kulanka ugu dambeeya.

Hadaba halkan hoose kaga bogo Liiska kooxaha sida Rasmiga ah u xaqiiqsaday booskooda wareega 16-Ka champions League.

  1. Ajax
  2. Bayern
  3. Juventus
  4. Chelsea
  5. Liverpool
  6. Man United
  7. Man City
  8. Real Madrid
  9. Inter Milan
  10. PSG
  11. Sporting Lisbon.