Kooxda Real Madrid Oo Diyaarsatay Liis 5 Xiddig Oo La Qaab Ciyaareed Ah Casemiro

1982

Wargayska Defensa Central ayaa shaaca ka qaaday 5 xiddig oo ay kooxda Real Madrid bartilmaameedsanayso kuwaas oo la qaab ciyaareed ah ama ka ciyaara booska xiddiga khadka dhexe ee ay kooxda ku haystaan ee Casemiro.

Isla wargayska ayaa sheegaya in xiddigahaas qiimohoodu u dhexeeyo 40 ilaa 65 milyan oo euro kuwaas oo ay doonayaan saxiixooda si ay ugu xoojiyaan kooxda.

Defensa Central ayaa sheegaya in xiddigahaas ay Los Blancos doonayso in ay la soo saxiixato midkood si ay ula tartansiiso xiddiga reer Brazil ee Casemiro kaas oo xilli ciyaareedkan aan haysan badal Toos ah.

1.Jorginho (Chelsea).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea ayaa ka mid ah xiddigaha soo jiitay indhaha Madaxweynaha Real Madrid si uu ugu xaliyo dhibaatada khadka dhexe ee kooxdiisa.

Jorginho ayaa awood u leh in uu xaliyo dhibaatada Real Madrid ee xilli ciyaareedkan waxana uu ilaa haatan kooxdiisa chelsea u ciyaaray 17 kulan isaga oo dhaliyay 4 gool 2 kalena caawiye ka noqday.

2.Thomas Partey (Atletico Madrid).

Xiddiga reer Ghana ayaa xilli ciyaareedka si fiican ku bilowday waxana ay Real Madrid u aragtaa saxiix fiican marka loo eego in uu u ciyaaro kooxda ay ku xafiiltamaan magaalada Madrid inkasta oo ay arintaas ka dhigi doonto mid adag in ay heshiiska si fudud ku helaan hadan Madaxweynaha Los Blancos ayaa ku qanacsan awooda xiddiga 26 jirka ah.

3.Fabinho (Liverpool).

Xiddiga reer Brazil ayaa diirada u saaran Real Madrid tan ilaa markii uu Liverpool kula guulaystay champions League waxana uu ka mid yahay xiddigaha ugu muhiimsan kooxda Liverpool waliba si fiican uga ciyaari kara booska Casemiro lana tartami kara.

Waxa intaas sii dheer in uu horay ugu soo ciyaaray kooxda isaga oo da,yar ah waliba diyaar u noqon karo in uu ku laabto kooxdiisii hore.

4.Marcelo Brozović (Inter Milan).

Xiddiga reer Croatia ayaa saaxiib aad u dhaw la ah xiddiga kooxda Real Madrid ee Luka Modric waxana uu ku qancin karaa in uu kula biiro Los Blancos.

Xiddiga khadka dhexe ayaa sidoo kale leh tayo cajiib ah oo uu ku qaadi karo weeraro rogaal celis ah tas oo ka caawin karta Real Madrid in ay dhaliso goolal badan.

5.Granit Xhaka (Arsenal).

Xiddiga reer Switzerland ayaa ah xiddiga 5-aad ee ku jira Liiska Real Madrid waxana uu haatan ku jiraa wakhti adag oo kooxda Arsenal ah kadib markii uu waayay booskiisa iyo waliba calaamadii kabtanumada kadib markii uu Aflagaadeeyay taageerayaasha kooxda waxana ay u muuqataa in uu haatanba ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Arsenal.