kooxo hubeysan oo weeraray hotelka SYL

1635

Faah faahino dheeraad ayaa ka soo baxaya Qaraxyo iyo rasaas xooggan oo laga maqlayo magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Hotel SYL oo ku yaalla kasoo horjeeda Xarunta Madxtooyadda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in rag hubeysan ay galeen hotelka SYL, isla markaana ay ka dhex dagaalamayan gudaha hotelka, halka warar kale ay sheegayan in rasaasta laga maqlayo agagaarka Madaxtooyada.

Ilaa iyo hada si rasmi ah looga oga ragga hubeysan ee dhex dagaalamaya SYL, waxaana aagaas uu yahay goob si weyn loo ilaaliyo.War goordhow Muqdisho naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax xooggan ka dib la maqlay rasaas xooggan oo ka dhaceysa jihada madaxtooyada Soomaaliya.

Sida ay rasaasta u socoto ayaa hal mar la maqlayaa Jug xooggan oo u muuqata Qarax,waxaana la soo sheegaya in ragga weerarka soo qaaday ay ku hubeysan yihiin Banbaanooyinka gacanta laga tuuro.