Kornayl Caarre oo 300,00 Dollar lagu soo xero geliyay

1892

Dowladda Kenya ayaa shaacisay magacyada iyo sawirada seddex xubin oo halis ku ah ammaanka Kenya kuwaas oo ka tirsan Kooxda ka dagaalanto gudaha Soomaaliya ee Al-Shabaab.

Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in baaritaan dheer iyo xog sirdoon oo la helay kadib la ogaaday magacyada shakhsiyaadkaan iyo sawiradooda.

Seddexda qof oo dowladda Kenya soo bandhigtay magacyadooda ayaa waxay kala yihiin Kyalo Masai, Juma Waziri iyo Salim Mohamed, waxayna dowladda Kenya ku tilmaamtay inay yihiin dagaalyahano halis badan ku ah ammaanka dalkooda.

Booliska Kenya ayaa shacabka ka codsaday inay si deg deg ah ula soo wadaagaan macluumaad kasta oo la xiriira seddexdaan xubin si ay ugu suurta gasho in lasoo qabto ama la dilo.

Wargeyska laga leeyahay dalka Kenya ee Daily Nation ayaa qoray in seddexdaan dagaalyahan ee ka tirsan Al-Shabaab fikradda xagjirnimada ah looga dhaadhacsiiyey magaalooyinka Mombasa iyo ismaamulka Kwale.

Booliska Kenya ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay inay seddexdaan dagaalyahan xiriir dhow la leeyihiin Aboud Rogo iyo Abubakar Sharif oo ah wadaado Muslim ah oo kamid ahaa Al-Shabaab.

Sirdoonka Kenya ayaa horey u sheegay inay duqeyn ku dileen Rogo sanadkii 2012 halka Axmed uu weli ku jiro dadka ay Dowladda Kenya dooneyso inay ka aargudato.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa soo baxayey digniino ku aadan weeraro ay Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha Kenya waxayna taas keentay in heegan buuxa la geliyo laamaha Ammaanka si looga hortago falalka argagixisanimo oo ay Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha Kenya.
Korneyl Siciid Jaamac Caare oo hoggaaminayey Jabhad dagaal kula jirta Soomalailand ayaa ogolaaday heshiis uu la galo Soomaaliland, kadib markii soo jeedin ay uga timid Xukuumadda Soomaaliland iyo Odayaasha Dhaqanka Beeshiisa.

Ergo ka kala socotay Xukuumadda Somaliland iyo Beeshiisa ayaa wadey wada-hadallo lagu xalinyaayey labada dhinac,iyaga oo ku guuleystay inay Ciidamada Caare kasoo saaraan Buurihii ay ku jireen ee ku yaalla duleedka Magaalada Ceerigaabo.

Sidoo kale wararka soo baxaya qodobadii lagu hehsiiyey ayaa waxaa ay sheegayaan inay kamid yihiin in Caare uu ogolaadey in uu aado dalka dibadiisa, sidoo kale la siiyo lacag laga soo qaaday Xukuumadda Somaliland taas oo dhan 300,00 oo Dollar.

Ciidamada korneyl Caarre ayaa wararku sheegayaan in qaarkood dib loogu celiyay Ciidanka Somaliland halka kuwo kalena ay wali Odayaasha degaanka ka shaqeynayaan.

Jabhadda Korneyl Caare ayaa waxaa ay Saldhigyo ku leeyihiin deegaano ka tirsan Waqooyiga Gobolka Sanaag, iyaga oo dhowr mar weeraro ku qaadey Xarumo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Soomaaliland.

Mararbadan ayaa lagu guul daraysatay in heshiis la dhexdhigo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Taliyaha Jabhada Dulmidiid Col,Caare oo ka dagaalama Gobolka Sanaag oo ay ku maransanyihiin Somaliland iyo Puntland.