Korneyl Tuke oo maxkamad lala koray

1541

Maxkamad ku taal dalka Maraykanka ayaa la geeyay dacwad loo haysto Yuusuf Cabdi Cali Korneyl Tuke oo hore ugaga mid ahaa saraakiisha milatariga dowladii hore ee Siyaad Barre.

Yuusuf Cabdi Cali oo hadda ku nool dalka Maraykanka ayaa ku xoogsada tagsi hase yeeshee waxaa loo haystaa eedeymo ka dhan aadanaha oo uu ku kacay xilligii uu ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka ee Soomaaliya kana howlgali jirey gobolada waqooyi ee dalka.

Kornaylkan Soomaaliyeed ayaa loo heystaa dil 30 sanno ka hor dad rayid ah oo loogu geystay Magaalada Gabilay.

Dacwadaha loo haysto ayaa la sheegay inay yihiin kuwo dhacay sanadihii 1970-meeyadii ilaa 1980-meeyadii.

Farxaan Warfaa oo ka mid ah dadka dacwada u haysta Korneyl Tuke ku marqaati kacaya Kornayl Tuke ayaa sheegay inuu bastoolad ula soo baxay, kuna dhuftay shan xabadood oo uusan u meel dayin, balse uu ka badbaaday.

Ma aha Korneyl Tuke saraakiishii hore ee dowladii Siyaad Barre ee dacwadaha lagu soo oogay iyagoo ku nool dalka Maraykanka, hore ayaa Marxuum Maxamed Cali Samatar lagu oogay dacwad.