Koulibaly ”Ma Ogi In Aan Napoli Sii Joogayo”

1768

Daafaac Napoli ee Koulibaly ayaa diiday in uu go`aamiyo mustaqbaliisa kooxdaas , waxa uuna ku adkeystay in uu kaliya haatan diiradda saarayo qarankiisa Senegal oo uu kala qeyb galayo koobka qaramada Africa .

Warar badan ayaa dhawaanahaan mustaqbalka laacibka la xariirinayay in midkood kooxaha United , City iyo Barcelona uu u wareegi doono.

Ka dib kulankii Tanzania ayaa Koulibaly wax laga weydiiyay mustaqbalkiisa waxa uuna yiri ” ma ogi in aan Napoli sii joogo doono , sidaas ayaan filayaa”

Isaga oo Goal u waramayay waxa uu Koulibaly yiri ” dadka oo idil in aan baxayo ayay hadal hayaan balse ma jirto aniga wax aan haatan sheegi karo kaliya qarankeyga ayaan duiiradda saarayaa”

” Ma doonayo in aan mustaqbalkeyga xilligaan ka hadlo ,aan aragno wax dhaca marka aan Napoli ku laabto” ayuu sii kooban u sii raaciyay Koulibaly

Arintaan ayaa sii xoojineysa shakiga laga qabay mustaqbalka laacibka waxa ayna dadka arimaha suuqa turxaan bixiya tilmaamayaan in uu si maldahan ugu gacan haatiyay in uu baxayo.