Ku dhawaad 100 xubnood oo Al-shabaab ah oo ladilay

150

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay dagaallo culus oo maanta lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab, kawaas oo ka dhacay deegaannada Buulo-Xaaji iyo Harboole oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Jaamac ayaa sheegay in Al-Shabaabka weerarka soo qaaday ay la kulmeen wax aysan fileyn, isla markaana loo dhigay cashar lama ilaawaan ah, kadib markii ay isku dayeen in ay weerar ku soo qaadaan faririsimo horay looga xoreeyay oo ku yaalla deegaanada Buulo-Xaaji, Baarsanguuni iyo Harboole oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee jilibka u dhigay maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday balse iyaga khasaare lagu gaarsiiyay dagaalka.

Khawaarijtii maanta cashar aysan weligood hilmaami doonin ayaa loogu dhigey Harboole, Baarsanguuni iyo Buulo Xaaji ee Jubada Hoose. Mahadsanidiin Ciidanka Xoogga iyo Daraawiishta Jubaland” ayuu yiri wasiirku.

Al-Shabaab badan ayaa lagu dilay dagaalkan, kuwaas oo Mayadkooda lagu soo bandhigay deegaanada lagu dagaalamay, waxaana baraha bulshada lagu faafiyay muuqaalka maydad badan oo dhulka daadsan.

Sidoo kale waxaa laga soo furtay hub tiro badan oo ay wateen xubnaha la laayay, sida lagu sheegay qoraal kale oo ay shaacisay dowlad goboleedka Jubbaland.

Deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubada hoose saaka waxaa daadsan bakhtiga Khawaarijta oo tiro beel ah, sidoo kale halyeeyada Jubbaland ayaa furtay hub faro badan oo ay Argagixisada is lahaayeen ku dhibaateeya dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Sidoo kale deegaanka Harboole waxaa banaanada daadsan meydad kor dhaafaya 60 waxaana jira dhagarqabayaal la qabtay iyagoo nool.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, kaas oo ay guul ka sheegatay Jubbaland.

Deegaanada lagu dagaalamay ayaa waxaa maalmo kahor la wareegay ciidamada Jubbaland iyo kuwa Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo aalmihii u dmabeeyay kordhiyay howlgallada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka.