Ku-xigeenka Axmed Madoobe & taliyaha ciidanka Itoobiya oo kulmay+SAWIRRO

38

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowladda Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Adis Ababa ee dalka itoobiya ayaa kulan la qaatay Taliyaha guud ee ciidamada Ethiopia Field Marshal Birhanu Jula.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Amniga, sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Al-shabaab, gaar ahaan deegaanada Dowladda Jubaland iyo isu socodka bulshada Kunool xuduudaha iyo nabad kuwada noolaanshaha bulshada labada Dal.

Arrimaha kale ee laga wada hadlay ayaa waxaa ka mid ah sidii Jubbaland looga taageeri lahaa dagaalka ay kula jirto Dowlada Somalia.

Kulankaan waxaa Madaxweyne ku xigeenka koowaad Ku wehliyay Wasiirka Wasaarada Tamarta & Kheyraadka Biyaha Dowlad Jubaland, Mudane Axmed Baraaki (Zubeyr) iyo Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada Jubaland Mudane Mascuud Cabdulaahi Axmed.

Kulankan ayaa ku soo aaday xili DF oo khilaaf adag uu kala dhexeeyo Jubbaland ay ku eedeysay Itoobiya iney saanad milateri ka dejisay magaalada Kismayo isla markaana ay fara gelin ku heyso arrimaha gudaha Somalia.