Kulamo ka bilaawdey Dhuusamareeb +SAWIRO

1946

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayana in uu halkaasi ka socdaan kulamo kala duwan oo looga hadlayo Arrimaha Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye(Qoor Qoor) Iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynihii Hore ee Galmudug Axmed Ducale Geele (Xaaf)

Kulanka Waxaa Goob joog ah Xilibaanada Dowlada Faderalka ku matala Galmudug iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda deegaannada Galmudug,iyada oo Mas’uuliyinta ay Xaaf uga mahad celiyeen sida uu ugu tanaasuley Shacabka Galmudug.

Kulamadaan oo ah kuwo sii socon doona ayaa waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo xilka ku wareejiyo Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye(Qoor Qoor).