Kulane Jiis oo xil cusub loomagacaabay

1796

Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa waxa uu umagacaabay Xil cusub Cabdullaahi Aadan Kulane.

Warsaxaafadeed ay warqaad aragtay ayaa sidoo kale waxa xil isna loo magacaabay C/wahaab Sheekh Cali oo isna dhawaan xilkii Taliyaha NISA Ee garoonka Diyaaradaha Muqdisho laga qaaday.

Cabaas Yacquub ayaa loo magacaabay Madaxa Cusub Ee Shaqada Hay’ada NISA

C/wahaab Sheekh Cali ayaa loo magacaabay Agaasinta Qorsheynta iyo Tiknoolajiyada NISA.

C/llaahi Aadan Kualne ayaa loo magacaabay Kaaliyaha dhanka Siyaasada iyo Amniga Hay’ada NISA.