Kulane Jiis oo xildhibaan loodoortay+SAWIRRO

1186

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashooda ay tahay dowlad goboleedka Galmudug.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa waxaa ka mid ah kursiga HOP#040, waxaana ku guuleystay, Cabdullaahi Aadan oo loo yaqaano Kulane Jiis, kadib markii uu u tanaasulay msuharrax Xasan Cabdi Jaamac oo u ahaa malxiis, maadaama isaga loo xiray kursiga.

Kulane Jiis oo loo qaaday cod gacan taag ah ayaa helay 101 cod, sida uu shaaciyey guddiga SEIT ee dowlad goboleedka Galmudug.

Guusha Cabdullaahi Kulane oo ku xiran Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa guul weyn u ah kooxda Villa Soomaaliya oo dadaaal xoogan gelisay kursigan oo markii horeba ahaa qoondo haween, balse hadda loo beddalay, rag, si loogu soo saaro Kulane Jiis oo kusoo baxay.