kursiga Jawaari loo diiday oo lahakiyay doorashadiisa

1093

Guddiga Doorashooyinka heer Federaalka ayaa waraaq ay soo saareen ku hakiyay doorashada kursiga #HOP103, ee uu ku fadhiyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BJFS Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, kaddib markii laga hor istaagay inuu si daah furan ugu tartamo kursigaas.

Jawaari oo maalmo kahor kasoo noqday magaalada Baydhao, ayaa sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ka hor istaagay tartanka doorashada kursigan, isagoona intaas ku daray “Baydhabo ma taalo gogol nin gob ah oo uu wax ka doonto iyo oday”.