Kursigii Cabdiweli Muudey oo kusoobaxay Maxamed Cabdalla Axmed

881

Magaalada Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah:-Hop-045, Hop-145, Hop-162 iyo Hop-148, waxaana ku jira kursigii uu horey ugu fadhiyey Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.

Kursiga Hop-145 ee uu ku fadhiyey guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Golaha Shacabka ayaa waxaa kusoo baxay Maxamed Cabdalla Axmed oo helay codad gaaraya 76-cod, halka musharaxii la tartamayey C/llaahi Ahmed Cabdi uu  =heley 12-cod, waxaa hallaabay 2 cod.

Guusha Cabdalla ayaa aheyd mid la filayey, wuxuuna si dhow ugu xiran yahay Villa Soomaaliya oo iyadu dadaal xoogan gelisay, sidii meesha looga saari lahaa Muudey.