Kursigii Fahad Yasiin ee HOP#086 oo tartan adag kajiro

217

Kuraasta dhiman ee sugeysa in la buuxiyo waxaa kamid ah kursiga HOP#086. Kursigan waxaa loo diiday inuu ku fariisto Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waa kursiga qura ee seegay doorashadii dhawaan ka dhacday dalka.

Guddiga doorashada ee ku-meel gaarka ah ayaa la filayaa inay kursigan doorashadiisa qabtaan, deegaan doorashadiisu waa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Waxaa si weyn ugu loolamaya tartanka kursigan Agaasime ku-xigeenkii hore ee Villa Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah nin dhalinyaro ah oo xubin muhiim ah u ahaa nidaamkii hore ee madaxweyne Farmaajo iyo Dr Maxamed Xaaji oo kamid ah bahda waxbarashada dalka.

Kursigan waxaa tallo badan ku leh wasiirka waxbarashada ee dowladda Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo isagu hore ugu fadhiyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu rabaa in kursiga qaato Dr Maxamed Xaaji, sida aan xogta ku helnay.

In la ogaado dhinaca uu jiro miisaanka Faarax Sheekh Cabdulqaadir waa u muhiim natiijada kursigaan, laakiin dadka ka faalloonaya kursiga HOP#086 waxa ay leeyihiin haddii kursiga si furan loogu tartamo waa fiican tahay rejada Cabdinuur Maxamed Axmed, kaasi oo heli kara garabka maaliyadeed ee Fahad iyo Farmaajo.

Laakiin waxaan la hubin in kursigaan si furan loogu tartami doono, maadama la sheegayo inuu madaxweyne Xasan Sheekh aragti gaar ah ka leeyahay kursigan.

Dhinaca kale, Waxaa lagu kala baxay kursigii uu hore ugu fadhiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa uu ahaa xubin baarlamaan intii uusan madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabin kursiga ra’iisul wasaaraha dalka.