KURSIGII WAXAA LA WAREEGEY SHEYDAAN

1669

Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Puntland ahaana wasiiru dowlaha Xariirka golayaasha ee Puntland Cabdullaahi Quraanjecel ayaa maqaal cusub oo u bixiyey Kursigii waxaa la wareegay Sheydaan, ayaa kaga hadlay xaaladda Siyaasadda.

 

Kursigii Nabbi Suleymaan waxaa la wareegay Sheydaan, Ilaahay wuxuu Quranka ku yiri waxaan Imtixaanay Nabbi Suleymaan waxaana kursi-giisii ku tuurnay Jasad ka dibna wuu soo noqday : oo lagu macneeyay waxaa usoo noqday Boqortooyadiisii iyo xukunkiisii
ثم أناب أي: رجع إلى ملكه وسلطانه وأبهته “

Haddaba sidaas uu Alle inoo sheegay waxaa dhacda in mararka qaarkood uu sheydaanku la wareego talada uuna isagu talinayo dadkuna ay ku wareeraan talo Sheydaan,

Ummaduhu weyku wareeraan mararka-
qaarkood Talada Madaxdooda meel ay uwadaana waa garan waayaan lakiin waxaa laga yaabaa in Sheydaanku hogaanka u hayo.

Waxaa la wariyaa in Sheydaankii uu qaatay Stam-kii ama Tiinbarahii Nabbi Suleymaan, kursigiina uu ku fariistay
( من قصة الشيطان الذي أخذ الخاتم ، وجلس على كرسي سليمان، )

Marka aan iske Eego Talooyinka qaarkood, iyo cida ay taladaas ka Imaaneyso, kurisgii amaa la inooga fadhiyaa.

Waxaa qoray Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada ee Xukuumaddii hore, Abdullahi Quran Jecel