kuxigeenka C/rashiid Xiddig Oo laxiray

1982

C/rashiid Maxamed Xiddig Oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya horena usheegtay inuu yahay Madaxweynaha Sharciga Jubbaland ayaa waxa uu war kasoo saaray Xog ay Saacado ka hor faafisey Shabkada Warqaad.

Xiddig ayaa xaqiijiyey in Ciidamada Amniga jubbaland xireen Kuxigeekiisii Koobaad Ee Aadan Afeey Maxamuud.

Waxa uu Xiddig sheegay in Aadan Afeey ay afduub wax uu ku sheegay ku sameeyeen Ciidamada Jubbaland xilli laga hor istaagay maanta inuu ka dhoofo Garoonka Diyaaradaha Kismaayo.

Waxay Sheegeen Garabka Xiddig Hogaamiyo in la jir dilay Mas’uulkani islamarkaana alaabtii uu watay laga qaaday.

C/rashiid Xiddig ayaa waxa uu sheegay in raq iyo ruux meelna lagu ogeyn Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Garabkiisa Aadan Afeey oo Ciidanka Jubbaland ay qafaasheen sida uu hadalka udhigay.