kuxigeenka wakiilka Midowga Africa ee Somalia oo looqabtay in 7 cisho kaga baxo dalka

1030

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalka ku ceyrisay ku-xigeenka eregyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Simon Mulongo, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaraadda arrimahdda dibedda, oo ay heshay Caasimada Online. 

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa qoraalka oo ay u dirtay Guddiga Midowga Afrika ku wargelisay in Simon Mulongo uu dalka uga baxo muddo toddoba maalmood gudahood ah, kadib markii laga dhigay ‘persona non grata’ (qof aan dalka laga rabin)

Qoraalka ayaa lagu yiri “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadin usoo jeedineysaa Guddiga Midowga Afrika, waxaana sharaf u ah inay la socodsiiyaan Guddiga, in shaqsiga hoos ku qoran laga dhigay ‘persona non grata’, waxaana lagu amray inuu uga baxo Soomaaliya muddo 7 cisho gudahood ah.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Mulongo “uu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaaliya.”

Dowladda Soomaaliya ma aysan shaacin waxa ay yihiin dhaq-dhaqaaqyada uu ku lug yeeshay Mulongo.