La Ogaaday: Real Madrid Oo Xagaagii Ku Dhawaatay Saxiixa Neymar, Faah-Faahintii Heshiiska & Sababtii Uu U Dhici Waayay Oo La Ogaaday

1571

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay si aad ah ugu dhawaatay saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Neymar intii lagu jiray suuqii xagaaga ee la soo dhaafay.

Neymar ayaa xagaagii si aad ah u doonayay in uu isaga tago kooxda PSG iyada oo lala xidhidhinayay kooxaha Real Madrid iyo Barcelona kuwaas oo doonayay saxiixa xiddiga.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa haatan shaaca ka qaaday in ay Los Blancos ku dhawaatay dhamaystirka saxiixa xiddiga reer Brazil intii lagu jiray suuqii xagaaga.

Isla wargayska ayaa intaas ku daraya in ay kooxda PSG diyaar u ahayd in ay aqbasho lacag ka yar 200 oo Milyan si la mid ah saxiixa xiddigaha Luka Modric, Casemiro iyo Keylor Navas oo lagu daro heshiiska.

Si kasta ha ahaatee wargayska aya sheegaya in uu madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez hor istaagay heshiiska sabab la xidhiidhka in uu wal-wal ka qabay Rikoodhka dhaawacyada wakhtigii ugu dambeeyay ee xiddiga reer Brazil.