La-taliyaha Farmaajo oo ka degay Kismaayo

1274

Cabdi Cali Raage oo ka mid ah La Taliyeyaasha Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, kaddib markii todobaad ka hor maamulka Jubbaland uu hawada ka soo celiyay dayuurad uu la socday oo ka qaaday Muqdisho.

Safarka Cabdi Cali Raage ku tagay Kismaayo ayaa yimid ka dib markii Ra’iisul Wasaaraha uu amar ku bixiyay inaan safarada laga xayiri karin musharaxiinta, maadaama dalku doorasho galayo.

Wadahadal habeen hore khadka Zoomka ku dhex maray Golaha Wadatashiga Qaran ayaa looga hadlay inaan Musharaxiinta labada gole iyo cid kasta aan safarada laga celin.

Rooble ayaa maalmo ka hor xilka ka qaaday saraakiil sare oo ka tirsan NISA ka dib markii ay jebiyeen amaruu soo saaray ee ahaa inaaney safarada siyaasiyiinta is hor taagin, waxaana talaabadaas ay ka dambeysay markii garoonka Aadan cadde laga celiyey Gudoomiyihii hore ee gobolka Gedo.

Cabdi Cali Raage ayaa ka mid ahaa ragga ugu saameynta badnaa Jubbaland intii u dhaxeysay 2012 illaa 2018, xilli waxaa jirtay in wax uusan isaga ogeyn laga sameyn karin Jubbaland, maadaama uu ahaa gacanta midig ee Axmed Madoobe, isla markanaa la xusuusto in doorashadii 2016 kuraasta qaar ee Xildhibaanada u adeegsaday awooddo siyaasadeed.

Hase ahaatee Sanadki 2018 ayay iskhilaafeen isaga iyo Axmed Madoobe, waxaana laga qaaday xilka La Taliyenimadii dhinaca siyaasadda, waxaana uu ka mid noqday La Taliyeyaasha Villa Somalia.