Laasacaanood oo cadaysay +SAWIRRO

477

Wararka aan ka heleyno xarunta gobolka Sool ee Laas-caanood ayaa sheegaya in xaalad aan caadi aheyn ay ka taagan tahay kadib markii shalay dad ku dhow todobaatan kun qof oo ku xardhanaa calanka buluuga Soomaaliya ay isu soo bax taariikhda galay oo ka dhaca dhul Soomaaliyeed lagu soo dhoweeyo mid ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed oo u taagan midnimada Soomaaliyeed.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah waxgaradka gobolada Sool, oo si diiran loogu soo dhoweeyay Laas Caanood ayaa ku baaqay in Garaadaddu shir iskugu yimaadaan laascaanood si ay ugu tashadaan danta guud ee gobolada Sool, iyadoo la tixgelinaayo Soomaalinimada.

Maagalada Laascaanood oo maamulka Somaliland ay faarujiyeen shantii Janaayo ayaa waxaa dadweynuhu iyo kooxo dhalinyaro ah ay xoog kaga hortageen maamulka Somaliland oo maamulayay magaaladaasi (2007) Lix iyo Toban sano, kadibna kacdoon shacab ay ugu baxeen si xaalada aysan u noqon mid xunjiro dhiig ah ku daado.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo si Soomaalinimo loogu soo dhoweeyay magaalada ayaa magaalada Laascaanood wuxuu kaga qeyb geli doonaa shirweyne guud oo waxgaradka SSC kaga tashan doonaan aayahooda, kaasoo lagu go’aamin doono midnimada iyo wadajirka Somaliweyn.

maanta iyo beri magaalada laga sugaayo Garaad C/llaahi Garaad Saleebaan iyo Garaad Maxamed Garaad Abshir oo go’aamin doona mustaqbalka shacabka iyo gobolka Sool aayahooda meesha ay kaga tashan doonaan.

Maamulka Somaliland ayaa walaac xoogan ka qaba shirweynahaasi ay isugu imaan doonaan waxgaradka gobolada Sool, iyadoo magaaladana ay faarujiyeen ciidamadii maamulkaasi shantii bishii Janaayo oo ay kooxo dhalinyaro deegaanka ah ay la wareegeen maamulka magaalada.

Mowjadaha kacdoon ee ka taagan Laascaanood ayaa muujinaayo rabitaanka shacabka gobolka oo todobaadyadii u danbeeyay maamulka Somaliland uu dad shacab ah ku bartilmaameedsaday si xiisadaha taagan loo joojiyo.