Laba ka mid ah ku-xigeenada G/Banaadir oo xilka laga qaaday

1911

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilka ka qaaday guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad Alle, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa Mahad-Alle ku beddelay oo inuu xilkan qabto u magacaabay Mudane Axmed Xasan Iimaan inuu noqdo Guddoomiye

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xilka ka qaaday Aadan Sheekh Cali Fiidoow oo ahaa ku-xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Hawlaha Guud, waxaana xilka loo dhiibay Mudane Cumar Cali Cabdi.

“Madaxweynaha ayaa markii uu arkay in ay jirto baahi loo qabo in loo magacaabo Gobolka Banaadir ku-xigeennada Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Hawlaha Guud. Markii uu tixgeliyay khibradda shaqo ee ay mudanayaashan xilkan loo magacaabayo u leeyihiin howlaha loo magacaabay waxa uu soo saaray xeerkan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Waxaa la baabi’iyay xeer kasta oo kan ka horreeyay oo ka hor imaanaya magacaabistan cusub, wuxuuna dhaqangalayaa maanta oo ah Axad, taariikhduna ay ku beegantahay 26ka Abriil, 2020.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay labada Guddoomiye ku-xigeen inuu Eebbe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay inay si hufan u gutaan hawlaha baaxadda leh ee horyaalla.