Labo isbuuc nagu qaadan meyso inaan qabsanno Nairobi

319

Wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda ee muddada dheer xilka hayay, Yoweri Museveni ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray sida uu uga xun yahay in madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta uusan mar saddexaad oo dastuurka ka dhan ah u tartamin doorashadii madaxweynenimo ee dhawaan dhacday.

Waxa uu ku kaftamay [inkastoo ay su’aal ka taagan tahay] in Uganda ay duulaan ku qaadeyso Kenya.

Bartan Twitark aha ayaa laxaqiijiyay iney tahay tan uu leeyahay wilka Madxweynaha Uganda, Muhoozi Kainerugaba.

Labo Xiddigle Janaraal Muhoozi Kainerugaba ayaa sidoo kale bartiisa twitterka ku soo qoray in aanu dan ka lahayn dastuurka iyo sharciga.

“Annaga waxaan aminsannahay Kacaanka oo keliya, dhawaanna waad baran doontaan,” ayuu yiri general Muhoozi, isagoo u muuqday inuu arrin sir ah fashilayo.

Dadka qaar ayaa sheegaya in Janaraal Kainerugaba, oo caan ku ah waxyaabaha hadalhaynta dhaliya ee uu mararka qaar kusoo qoro bartiisa Twitter-ka, ayaa loo diyaarinaya inuu bedelo aabihiis, Yoweri Museveni, oo ah madaxweynaha Uganda.

Shacabka Kenya ee arkay qoraalka Twitter-ka uu soo geliyay wiilka Museveni qaarkood ayaa sheegay in ay ku wareereen hadalka kasoo baxay Kainerugaba.  Waxaa kale oo la isweydiinayaa in uu uu caafimaadkiisa taam yahay.

Laakiin generalalka ayaa mar kale sheegay in ciidankiisu ay ku qabsan karaan caasimadda Kenya laba toddobaad gudahood.

Si cad ugu riyaaqay loollanka Twitter-ka, wuxuuna isweydiiyay su’aal ah: “Kaddib markii ay ciidankeennu qabsadan Nairobi, halkee baan degi karaa aniga? Ma Westlands? Mise  Riverside?”.