Lafta Gareen iyo Villa Somaliya oo isku dhegan

1580

Warar aan helnay ayaa ku waramaya in Madaxtooyada Soomaaliya fara gelin ku heyso sida ay noqoneyso Magacaabida Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa la sheegay in Xubno ka socday Villa Soomaaliya kula shireen Garowe intii Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Puntland Garowe loo joogay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa doonaya in Maamul Gobolleedyada ay hoostiisa yimaadaan,lagana fogaado Baarlamana iyo Madax is khilaafsan.

Lafta gareen ayaa sheegay in uu doonayo Wasiiro uu ku kalsoon yahay soo magacaabo si buu yiri ay meesha kaga saaraan is qab qabsi dhaca.

Shan Wasiir ayaa inuu shalay magacaabo la rabay Lafta gareen balse Buuq Beelaha qaar ay keeneen ayaa dib loo dhigay.

Ilo madax banaan ayaa Wardoon usheegay in C/casiis Lafta gareen uu heysto Amar ah in Dad la yaqaan oo farta loogu fiiqay soo magacaabo,Wasiiradii Shariif Xasan Lasoo shaqeeyey Qaarkood inay soo laaban doonaan ayaana loo badinayaa.

Ma cada tirada ay noqon karaan,Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed Soomaaliya,Balse dadka Siyaasada Deegaanadaasi falan qeeya ay sheegeen in Lafta gareen uu yahay Maqaar Saar Madaxtooyada Soomaaliya geysatay Maamulkaasi.