Lafta Gareen oo deked siiyay dal carbeed

40

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, ayaa dekedda Baraawe ku wareejiyay shirkad laga leeyahay dalka Kuwait, sida ay sheegayaan xogo saacadihii dambe banaanka u soo baxay.

 

Shirkaddan oo lagu magacaabo Arab Digital Holding, ayuu Lafta-gareen la gaaray heshiis uu maamulka dekedda Baraawe ugu wareejinayo. Heshiiska ayaa la sheegay inuu socon doono muddo 25 sano ah.

 

Qiimaha ku baxaya heshiiskan ayaa sidoo kale lagu sheegay nus bilyan dollar ($500 milyan), waxaana la horumarinayaa dekedda Baraawe, iyadoo la maalgelinayo ka faa’iideysiga macdanta ku jirta dhulka, sida shidaalka.

 

Intaa waxaa dheer in heshiiska lagu daray hirgelinta dhismayaal casri ah sida: hoteello, aag cashuuraha ka caagan, warshado, horumarinta wax-soo-saarka badda, iyo fursado shaqo oo kale.

 

Shirkaddan laga leeyahay Kuwait ayaa fulinta qorshahan la kaashaneysa shirkad kale oo lagu magacaabo MYD, taasoo laga leeyahay dalka Masar.

 

Doorka MYD ayaa ah in si casriyeysan loo dhiso dekedda Baraawe, iyadoo xoogga la saarayo marsada iyo goobaha dadka soo jiidan kara, si dhaqaale badan halkaas uga soo xaroodo.

 

Hirgelinta mashruucan ayey madaxda shirkadda Arab Digital Holding ku sheegeen inuu faa’iido u leeyahay dalal badan oo gobolka ku yaalla, sida Itoobiya, Koonfur Suudaan, Kenya, Afrikada Dhexe, Uganda, Congo DRC, iyo dalal kale oo si toos ah marsada Baraawe wax uga soo degsan kara.

 

Dhulka mashruuca laga fulinayo ayaa gaaraya 200 km oo isku wareeg ah. Shaqada sahminta, oo ah howsha ugu horreysa, ayaa la filayaa inay billaabato bilaha soo socda si muddada ay shirkaddu u qabsatay loo dhammeystiro, loogana faa’iideysto dhaqaalaha laga rajeynayo inuu dib uga soo laabto, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka shirkadda Arab Digital Holding, Fahad Nawaaf Al-Doosari.

Heshiiskan weli si rasmi ah ugama hadlin maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka, waxaana laga dhursugayaa jawaabtooda.