Lafta-gareen oo isaga cararay Muqdisho

2190

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagreen ayaa maalmihii u dambeeyay laga waayay saaxadda siyaasadda, xilli ay meel xasaasi ah marayso xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Mudane Lafta-gareen oo kamdi ah saddex maamul oo taageersan dowladda Soomaaliya ayaa guud ahaanba isaga baxay magaalada Muqdisho oo siyaaasad qasan ay ka taagan tahay, taas oo salka ku heysa arrimaha siyaasadda, wuxuuna sal dhigtay magaalada Baydhabo.

Saraakiil xafiiskiisa katirsan oo warbaahinta la hadlaya ayaa waxa ay sheegeen in madaxweynuhu uu ka gaabsaday siyaasadda murugsan iyo falqaldooyinka ay sameynayaan hoggaanka dalka, taas oo la yaabo hadduu ka hadlo sumacdiisa siyaasadeed meel uga dhacdo.

Waxaa lafilayaa in madaxweyne Lafta-gareen uu ku soo laabto magaalada Muqdisho marka ay yimaadaan madaxda dowladda federlkaa h ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka si ay heshiis uga gaaraan khilaafka hareeyey doorashada dalka.