Lafta Gareen oo muddo kordhin loosameeyey

1623

Xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Baydhabo ayaa ka dooday mooshin muddo kordhin loogu sameynayey madaxweynaha maamulkaasi, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), si la’isku waafajiyo doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen illaa 87 Mudane ayaa waxa ay si aqlabiyad leh ugu codeeyeen mooshinkaasi, iyaga ogolaaday in muddo 1-sano ah loogu daro madaxweynaha.

Arrintaan ayaa ka dhigeysa in xilheynta madaxweynaha iyo guddoomiyaha barlamanka ay ku eg-tahay 2024-ka, taas oo fursad cusub siineysa Lafta Gareen.

Madaxweymaha dowlad goboleekda Koonfur Galneed oo xiriir dhow la leh dowladda Soomaaliya ayaa haatan xafiiska jooga sanad iyo dhowr bilood.