Lafta-gareen oo oo si rasmi ah uga bilaabaya doorashada

1715

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa u duulay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Goblka Baay.

Wararka qaar ee laga helayo safarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Maamulka Koonfur Galbeed uu noqon doono Maamulkii ugu horreeyay ee bilaaba doorashada Aqalka Sare, waxaana uu Lafta-gareen wadaa dedaalo uu ku xallinayo tabashada Madaxweynayaasha jubbaland & Puntland oo aad uga soo horjeeda sida ay Xukuumadda Soomaaliya u wajaheyso arrimaha doorashhoyinka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxa uu soo xuli doona musharixiinta u taagan xil dhibaanada aqalka sare ee Soomaaliya iyadoona kadib ay soo dooran doonaan xubnaha barlamanaka maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Maalmaha ka hor Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble oo ay garab taag naayeen Madaxweynayaasha Galmudug, Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu ku dhawaaqay in la bilaabayo hirgelinta doorashooyinka, si loo qabto doorasho loo dhan yahay.