Lafta Gareen oo shahaadooyin guddoonsiiyay xildhibaannada la doortay+SAWIRRO

835

Guddiga maamulka doorashada heer dowlad-gobolleed ee Koonfur Galbeed (SEIT) iyo xubno ka socday guddiga doorashada heer fedaraal ee (FEIT), ayaa maanta magaalada Baydhabo ku bixiyay shahaadooyinka ku-meel-gaarka ee xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka ku matalayay Koonfur-Galbeed.

Madaxweynaha Koofur-Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen ayaa shahaadooyinka guddoonsiiyay xildhibaannada iyo senatarada, kaddib munaasabad sagootin ah oo lagu qabtay madaxtooyada maamulka ee magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad-gobolleed ee Koonfur-Galbeed Yuusuf Cabdikhaadir Maxamed, ayaa xusay in shahaadooyinkaasi si wadajir ah ay u saxiixeen guddiyada heer fedaraal iyo midka dowlad-gobolleedka Koonfur-Galbeed.

Xubnaha shahaadada la guddoonsiiyay waxaa kamid ah xubno kuraastooda uu hakiyay guddiga FEIT ee heer federal, balse guddiga heer dowlad-gobolleed iyo maamulkuba ay ka horyimaaden.

Guddiga doorashooyinka ee heer federaalka ee FEIT ayaa ugu dambeyn 14-ka bisha Abriil bixin doona shahaadada rasmiga ah iyo kaararka aqoonsiga ee caddeynaya xildhibaannimada guud ahaan.

Maamulka Koonfur-Galbeed ayaa labada gole ee baarlamaanka ku leh 69 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 8 Senator oo Aqalka Sare ah, waana maamulka ugu badan ee tiro intaasi la eg ku leh baarlamaanka federaalka.

Madaxweynaha Koofur-Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen, ayaa caawa lagu wadaa in uu kulan gaar ah la qaato xildhibaannada, isagoona kaddib jeedin doona khudbad ku aadan doorashooyinka iyo bixinta shahaadooyinka.