Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa soo Dhamaystiray Liiska musharixiinta Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Lafta Gareen ayaa soo saaray liiska Musharaxiinta u taagan sadexda kursi ee u harsanaa maamulka Koonfur Galbeed, iyadoona horey Baarlamaanka Koonfur Galbeed u doorteen ilaa shan Senator oo Aqalka Sare ku matalaya.