Lafta Gareen oo tegay Dhuusamareeb +SAWIRRO

1553

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa goor dhow gaaray Dhuusamareeb, wuxuuna noqonayaa hoggaamiyihii ugu horeeyey ee tega magaaladaasi.

Lafta Gareen waxaa garoonka Dhuusamareeb kusoo dhoweeyey dhiggiisa dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka qeyb-galaya shirka wada-tashiga ee ka dhacaya magaaladaasi, kaas oo uu iclaamiyey madaxweynaha Soomaaliya.

Shirkan oo socon doono muddo saddex cisho ah ayaa waxaa looga arrinsanayaa xaaladda dalka iyo muranka ka taagan doorashada dalka ee 2021-ka.
Sidoo kale waxaa la filayaa in saacadaha soo socda Dhuusamareeb ay gaaraan madaxda kale ee dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo madaxweynaha Soomaaliya, waxaana kadib si rasmi ah u furmi doono shirka oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo loo baahnaa.

Xaaladda Soomaaliya ayaa ah mid haatan aad u cakiran, waxaana isha lagu wada hayaa natiijada kasoo bixi doonta shirka Dhuusamareeb oo xal looga gaarayo doorashooyinka.