Laftagareen iyo Qoor Qoor oo shir xasaasi ahkuleh Baydhabo

146

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo xalay ku hoyday magaalada Baydhaba ayaa kulamo ka bilaabay magaaladaasi, waxayna is arkeen dhiggiisa Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah.

Qoor Qoor ayaa casuumaad uu ka helay madaxweynaha Koonfur Galbeed ku tegay halkaasi, waxaana shalay si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud oo ku yaalla magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo, kaddib casuumaad oo ka helay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Galmudug.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in xalay labada madaxweyne ay yeesheen kulan saacado badan qaatay oo looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Laftagareen iyo Qoor Qoor ayaa si gaar ah uga arrinsaday doorashooyinka kusoo wajahan maamulladooda, uuna dhammaaday muddo xileedkooda, ayna kusoo wajahan tahay doorasho ay tartan adag ku wajihi doonaan, maadaama musharixiin badan ay isku soo taageen xilalka ay hadda ku fadhiyaan.

Xog ay heshay Warbaahinta Wardoon ayaa sidoo kale sheegeysa in Qoor Qoor uu Laftagareen kala hadlay qorshaha dowladda ee ku aadan in dib loo dhigo doorashooyinka maamul goboleedyada, maadaama ay Koonfur Galbeed hadda u diyaar garowday qabashada doorashadeeda oo horay dib uha dhacday waqtigeeda, waxaana lasoo wariyay in madaxweyne Cabdicasiis uu ku adkeystay go’aankiisa qabashada doorashada, waxaase weli wada-hadallada ay sii socdaan.

Sidoo kale ka ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay xafiisyada labada madaxweyne ee ku aadan kulanka ay xalay ku yeesheen madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

Kulankan wuxuu kusoo aaday, xilli xasaasi ah isla markaana xubnaha mucaaradka dalka ay dalbanayaan in la qabto doorashooyinka maamul goboleedyada, maadaama inta badan madaxda hadda joogto uu ka dhamaaday muddo xileedkooda.

Si kastaba, todoobaadkii hore ayay sii laba kaclesay xiisadda doorashada, kadib markii golaha wasiirada ay ansixiyeen sharci doorashooyin qof iyo cod ah iyo kan xisbiyada dalka, kaas oo ay durbo ka horyimaadeen siyaasiyiinta mucaaradka ee ku kacsan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.