Laftagareen oo 200-guri u dhisay Barakacayaal (Sawirro)

167

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xariga ka jaray 200 oo guri oo loo dhisay qaar kamid ah dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay

Munaasabada xarig jarka waxaa Madaxweynaha ku wehlinayey Wasiiro, Maamulka Gobolka Baay kan Degmada Baydhabo, Madax ka socotay Hay’addaha NRC,UNHABITED, Saraakiisha Amniga iyo Qeybaha kala Duwan ee Bulshada.

Dhismaha guriyaham ayaa waxaa iska kaashaday maamulka Koonfur Galbeed iyo Hay’addaha UN HABITED iyo NRC, waana mid dib udejin loogu sameenayo dadka barakacayaasha ah.

Dadka barakacayaasha ah ee loo dhisay guryahan kuyaalla magaalada Baydhabo ayaa dhankooda ka mahadceliyay, waxa ayna sheegeen in guryahan loo dhisay xilli ay baahi weyn u qabeen .