DAAWO:- Laftagareen oo amaanay xildhibaanadii taageeray Itoobiya

75

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta si adag uga hadlay xiisaddii dhawaan ka dhalatay taageeradii reer Koonfur Galbeed u muujiyeen joogitaanka ciidamada Itoobiya.

Madaxweyne Laftagareen ayaa ugu horeyn ku tilmaamay ceeb iyo wax laga xumaado hadaladii kasoo yeeray reer Muqdisho, islamarkaana ay ahayeen kuwa kala dhantaalaya midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Hadii ay Soomaalinimo jirto reer Koonfur-galbeed ayey ka bilaabataa, Muqdisho waxa kasoo yeeray waa wax ceeb ku ah midnimada” ayuu yiri madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Wuxuu sidoo kale madaxweyne Laftagareen amaan iyo boggaadin u jeediyay Xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee la dareenka noqday dadka ay matalaan ee diiday in la geeyo deegaanada maamulkaas ciidanka Masar, islamarkaana dalbaday in Itoobiya aanan laga saarin deegaanadooda.

25-kii Xildhibaan ee taageertay rabitaanka Shacabkooda waxay noola mid yihiin 13-SYL, waxaan la dareenahay rabitaanka Shacabka Koonfur Galbeed, Xasaanada waxay ku matalaan dadkooda Koonfur Galbeed ee qabiil kale kama qaadi karo kumana matalaan, dalku waa fedaraal” ayuu yiri madaxweyne Laftagareen.

Ugu dambeyntii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay shacabka reer Koonfur Galbeed dal iyo dibadba iney midoobaan wax walba oo caqabad ku ah midnimadooda.