Wararka ugu danbeeya ee laga helaayo Magalaada Baydhaba ayaa sheegaya in Madaxweyne C/casiis Laftagareen uu ka baxay Magaaladaasi isaga iyo qoyskiisa inkastoo aan wali la ogeyn halka uu u dhaqaaqay.
Diyaarad qaas ah ayaa wararku tilmaamayaan inay qaaday taasoo hore loo sii diyaarshay waxaana uu gaaray sida xogta aan ku heleyo deegaano Jubaland ka tirsan sida Doolow ama Kismaayo.
Lama yaqaan sida uu ku baxay cida u fududeysay walow maalmo ka hor aad loo hadal hayay in Itoobiyaanku u diyaariyeen mid ka mid ah diyaaradahooda qumaatiga u kaca si marka xaalada ku adkaato loogu qaado.
Wararka sidoo kale laga helaayo xaalada Baydhaba ayaa sheegaya in ciidamada Xooga dalka ay qabteen maxaabiis badan oo ka mid ah ciidamadii Laftagreen walow muuqaalada qaar lagu arkayay iyadoo saraakiisha dhanka Dowlada ay dhalinyaradaasi u fasaxeen inay dadkooda dhinac ka raacaan.




















