Laftagareen oo tagay Garoowe +SAWIRRO

365

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagreen) ayaa maanta gaaray magaalada Garawe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland.

Laftagareen waxaa garoonka diyaaraha Garawe kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka Puntland, waxaana loo galbiyay xarunta madaxtooyada Garawe halkaas uu kulamo kula qaadan doono Madaxweyne Laftagareen.

Sida aan wararka ku heleyno Madaxweyne Laftagareen ayaa u tagay Garawe sidii uu isbaheysi ula yeelan lahaa Madaxweyne Deni oo hadda aragti ahaan isku dhaw yihiin, waxa ayna labada madaxweyne kasoo horjeedaan hab maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Deni oo isbuucan safar uu ku yimid magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in kulamo ay qaateen labada masuul kusoo dhammaaday natiijo la’aan.
Deni ayaana doonaya hadda in isbaheysi la sameesto madaxda Koonfur Galbeed iyo Galmudug, si ay dagaal siyaasadeed ula galaan dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa ayna saddexdan madaxweyne doonayaan muddo kororsi.

Madaxweyne Deni iyo Laftagreen ayaa horey kulamo ugu soo yeeshay dalka Itoobiya, waxa ayna labada madaxweyne isla dejinayaan qorshe siyaasadeed ee ku duullaan tagaan ugana badbaadaan duufaanta Damul Jadiid.